عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Taha [Taha] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah Taha [Taha] Ayah 135 Location Maccah Number 20

1. Daa Haa1.

2. Kuuguma aanu soo dejin (Nabiyow) Qur’aanka (inaad naftaada ku halaagto) murugo (inaysan rumayn Xaqa darteed).

5. Raxmaanku (Allaah) wuxuu kor ahaaday) Carshigiisa dushiisha (si u qalanta Weynidiisa).

6. Isagaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska.

7. Haddaad kor codka ugu qaaddo hadalka, hubaal, Alle Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan.

8. Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada Wanaagga iyo Quruxda Badan.

10. Markuu arkay dab, oo ku yidhi reerkiisii: "Jooga halkan! Waxaan arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka cid ii i tusisa (waddada Masar)".

11. Markuu yimid meeshuu ka ifiyey dabka, waa loo yeedhay: Muusow!

13. Aniga (Alle ah) baana ku doortay (Muusow) ee dhegayso waxaa laguu Waxyoon.

15. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa - waxaana u dhowahay inaan qariyo3 si naf walba loogu abaal mariyo waxay camal fashay.

17. Waa maxay taasi ku jirta midigtaada Muusow (ogaal weydiin)?”

18. Wuxuu yidhi: “Waa ushayda, waan cuskadaa, oo ugu lulaa caleemaha si ay ugu soo daataan arigayga dushiisa, waxaana iigu jira dano kale.”

19. (Alle) wuxuu yidhi: “Bal hoos u tuur Muusow!”

23. “Si aanu kuu tusinno wax ka mid ah Aayadahayaga waaweyn.

25. (Muuse) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii waasici (deji) laabtayda.

28. “Si ay u fahmaan hadalkayga .

29. “Ii yeelna wasiir (caawiye) ka mid ah ehelkayga,

30. Haaruun, walaalkay,

31. “Ku adkee (xooji) tabarteyda (dhabarkeyga),

32. Igala qayb geli (wadaaji) arrinkayga ( Nabinnimada).

33. Si aan kuu xurmo weyneenno oo tasbiixsanno in badan.

35. Waxaad Adigu tahay Mid mar walba na Arka".

36. (Alle) wuxuu yidhi” “Waa lagu siiyey codsigaaga Muusow!

39.(Waxaan ku nidhi): Ku rid isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri xeebta, halkaas waxaa qaadan mid cadow ii ah, isagana cadow u ah! Waxaan yeelay dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah5, iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa Ilaalinteyda iyo Ogaanshaheyga),

40. (Waxaan kuu galnay wanaag mar kale) markay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korin (nuujineysa)? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Waxaadna dishay nin6, waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, Waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Waxaadna halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow!.

45.Waxay yidhaahdeen: “Rabbigayow! Waxaanu ka cabsan inuu ku degdego inuu na ciqaabo ama nagu xadgudbo.

46. (Alle) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, Anigaa idin la jira, waan maqli oo arkaa.

49. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”

50. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo u tilmaamay (yoolkeed).”

51. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ka warran xaalka facyadii hore?.”

52. (Muuse) wuxuu yidhi: Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaal (Looxa Maxfuudka). Rabbigay ma gefo, waxnana ma halmaamo.

54. Cuna oo daaqsada xoolihiinna, hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin (muujin Awoodda Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) ciddii leh caqli fayow.

55. Xaggeedaan (arlada) idinka abuurnay, gudaheeda baan idinku celin, xaggeedaana la idinka soo saari mar kale (geeri kaddib).

56. Waxaan dhab ahaan tusnay (Fircoon) calaamooyinkayaga dhammaantood, waase beeniyey oo diiday.

57. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow?.

59. (Muuse) wuxuu yidhi: “Ballankiinnu waa maalinta Ciidda, hana la soo kulmiyo Dadka barqadii.

61. Muuse wuxuu ku yidhi (sixiroolayaashii uu keenay Fircoon): "Magaciin bi'i waaye! Ha ka been sheegina Alle si uusan idiinku dabar goyn cadaab. Waxaana hoogay qofkii ka been sheega (Alle)”.

66. Wuxuu yidhi: “Bal tuura idinka (marka hore)"! Mise, xargahoodii iyo ulahoodii, waxaa loogu ekaysiiyey sixirkoodii dartiis sida inay ordi.

70. Saaxirintii waxay ula dhaceen dhulka sujuud10.Waxay yidhaadeen: Waxaan rumeynay Rabbiga Haaruun iyo Muuse.”

72. Waxay yidhaahdeen: “Kaa dooran mayno waxa noo yimid oo Xujooyin cad ah iyo Kan (Allaah) ee na abuuray11. Ee go'aami waxaad rabto inaad go'aamiso, waxaad oo keliya wax ka go'aamin kartaa (wixii la xidhiidha) noloshan Adduunka.

73. Waxaanu rumeynay Rabbigayo si uu noogu dhaafo gefefkayaga iyo waxaad nagu khasabtay ee (barashda) sixirka ah. Alle baana khayr badan (abaal marin ahaan), oo daa’insanaan badan12 (cadaab ahaan).

76. Beero (Jannooyin) ku yaal guryo san oo negaya (bay galayaan) oo ay hoos qul-qulaan webiyo, oy ku dhex waari weligood: kaasi waa abaalka kan ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida)13.

78. Markaas waxaa raacay Fircoon oo wata askarahiisii, waxaana halkaas kaga daboo- lay xagga badda waxaasi daboolay15.

80. Ilmahii Israa’iilow! Waxaan idinka samata bixinnay cadowgiinnii, waxaana idinkula gallay ballan dhinaca midig ee Buurta (Siinnay), oo idiin soo dejinnay Manna (kibis macaan oo malab sidi ah) iyo Salwaa (shimbir hilib wanaagsan - Samaan).

81. Cuna waxyaalaha wanaagsan (ee xalaasha ah) oo aan idinku irsaaqnay, hana ku xadugudbina oo qooqina (dhulka, ha dulminina dadka hana is kibrinana), yeysan idinku dhicine Cadhadaydu. Kay ku dhacdo cadhadayduna hoog oo ba'.

82. Aniguna waan u denbi Dhaaf Badanahay qofkii toobad keena oo (Xaqa) rumeeya oo sama fala, markaas ku sugnaada hanuunka oo toosnaada.

83. (Alle wuxuu yidhi), “Maxaa kaa soo dedejiyey qoladaadii, Muusow?”

84. Wuxuu yidhi: “Waa kuwaan ku soo jooga raadkayga, waana kuu soo deg-degay Rabbiyow si aad u raalli ahaato".

86. Markaasuu Muuse u noqday tolkiisii isagoo cadheysan oo walbahaarsan, Wuxuu yidhi: “Tolkayow! Ma wuusan Rabbigiin idiin sameyn ballan qaad wanaagsan16? Ee ma waxaa idinku dheeraaday muddadii? Mise waxaad doonteen inay idiinka dhacdo Cadho xagga Rabbigiin, oo aad uga baxdeen ballankii aad ila gasheen?”

87. Waxay yidhaahdeen: “Ugama aanu bixin Ballankii aan kula gallay ikhyaarka- yaga, waxaase nala saaray culaysyo ka mid ah alaab reer (Fircoon) isku qurxin jireen17, markaas baan ku tuurnay (dabka), sidaasuuna u tuuray As-Saamiri.

90. Wuxuuna ku yidhi Haaruun kal hore (intaanu soo laaban Muuse):Tolkayow! Waxaad tihiin kuwo uun lagu imtixaanay arrintani, Rabbigiinna waa (Alle) Raxmaan- ka ee i soo raaca adeecana amarkayga.

92. (Muuse) wuxuu yidhi: Haaruunow! Maxaa kuu diiday markaad aragtay inay lumeen.

93. Inaad I soo raacdo (oo ka soo tagto)? Ma waxaad caasiday amarkaygii?.

94. (Haaruun) wuxuu yidhi: “Ina hooyow! Ha iga soo qaban garkeyga ama madaxeyga midkoodna. Anigu waxaan ka baqay inaad tidhaahdo: “Waxaad kala qaybisay ilmihii Israa’iil, mana aadan dhowrin (ama sugin) qowlkeyga.”

95. (Muuse) wuxuu yidhi: “Muxuu yahay xaalkaagu Saamiriyow?

96. Wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wax aysan arag. Waxaana ka soo qaaatay sacab muggi (oo carro ah) raadkii Rasuulka18 (Faraskii Jabriil) oo aan ku tuuray (dabkii lagu riday alaabadii ay isku qurxin jireen reer Fircoon si aan uga sameeyo sawir dibi). Sidaasayna ii qurxisay nafteydu.

97. (Muuse) wuxuu yidhi: Tag oo naga fagow! Waxaa kuu sugnaaday noloshan inaad tidhaahdo: "Taabasho ma jirto (waa lay gooyey si dhan)"19, waxaa kaloo leedahay ballan aad dib uga dhici doonin (oo ah cadaabka Aakhiro). Eegna ilaah ku sheeggaagii aad in door ah dul joogtay ee aad caabudaysay. Waanu gubi (oo aanu ka dhigi dambas) aanu badda ku firdhinno oo waxba aanu ka hari doonin.’

98. Ilaahiinnu waa oo keliya Allaah, ee aanu jirin Ilaah (xaq ah) oo aan Isaga ahayn. Wuxuuna ku koobay wax walba Cilmi.

99. Sidaasaan (Muxammadow) kuugu soo tebinnaa warar ka mid ah wixii horey u dhacay. Waxaanuna xaqiiq kaa siinnay Xaggayaga waano (Qur’aankan).

102. Maaalinta buunka la afuufi20 (afuufka labaad), oo aan isu soo kulmin denbiila- yaasha Maalintaa iyagoo indho cawlan21.

103. Iyagoo Hoos u wada hadlaya oo isku leh: Ma aydaan joogin waxaan aheyn toban (maalmood adduunka).”

105. Waxay wax kaa weydiin buuraha, dheh: Rabbigay baa baabbi’in baabbi'in isagoo ka dhigaya sida budo ciid ah.

108. Maalintaas waxay iyagu (qof walbaa) raaci (dhawaaqa) dhawaaqaha isagoon leexleexasho lahayn. Waxayna ahaan codadka oo dhan kuwo kushuucsan Raxmaanka (Alle) horti, mana maqleysid waxaan aheyn shanqarta (socodkooda).

110. Wuxuu (Alle) og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadhaashooda ah, Mase ku koobi karaan (waxa uu Og yahay) Cilmi.

111. Waxay dhammaan wejiyaduna u khushuuci (Allaah), Noolaha Daa’inka ah, Irsaaqaha iyo Maamulaha waxa uunka jira oo dhan. Waxaana khasaaray kii geystay dulmi22.

113. Sidaasaan kugu soo dejinnay Qur’aan af Carabi ah, oo ugu celcelinnay si cad digniiniha iyo gooddiyada, bal inay iska jiraan oo ka dhowrsadaan (shirkiga iyo xumaha kale), ama uu ku dhaliyo waantow (ama u noqdo wax lagu xusuusto).

114. Ee waxaa Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uumanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”

116. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda (salaan ahaan) Aadam, wayna sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday.

118. Waxaa kuu sugnaaday halkaan inaadan ku gaajoon kuna arradin.

121. Markaasay (Aadam iyo Xawwaa) wax ka cuneen (geedkii), saa waxaa u muuqday cawradoodii, waxayna billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) korkooda caleemihii Jannada. Wuxuuna Aadam ku caasiyey Rabbigi oo wuu habaabay24.

123. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, iyagoo qaarkiinba cadow u yahay qaar kale. Hadduu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, qofkii raaca hanuunkayga ma ku lumayo (adduunkan), mana ku dar xumaanayo (Aakhirada).

124. Qofkii se ka jeesta Xuskayga (Qur’aankan) wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, waxaana la soo kulmin (la soo bixin) Maalinta Qiyaamaha isagoo indha la'.

125. Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad ii soo kulmisay (ii keentay Qiyaamada) anoo indha la’ anoo (hadda ka hor) wax arki jiray.

126. (Alle) wuxuu odhan: Sidaasoo kale waxaa kuu yimid Aayadahayaga, waadse iska illowday (oo ka dan la’aatay), sidaas darteed Maanta, waxaa lagaaga tegi oo lagugu illoobi (Naarta).”

129. Haddayna jirin Kelmed hore oo ka soo fushay Rabbigaa, in dib loogu dhigo abaal marintooda maalin la yaqaan iyo ajal magacaabani waxaa ku waajibi laheyd25 (cadaab ku dhacda intay joogaan adduunka).

131. Hana u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaarkood (gaalada) ee quruxda nolosha adduunka ah si aan ugu imtixaanno, risiqa Rabbigaa (Jannada gudaheeda) baana ka khayr badan (waxaa adduunka lagu siiyey) oo ka daa’in san.

132. Ku amarna salaadda ehelkaaga, oo u samir yeelo gudashada (salaadaha) kuma weydiisaneyno risiq; Annagaa ku irsaaqi. Cidhibta wanaagsan (ee Jannada) waxaa leh kuwa Alle ka cabsada ee iska jira (Cadaabkiisa).

133. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Muxuu (Muxammad) noogu keeni waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigii ah?” Miyaanay u imaan maraggii (ku sugnaa) Kutubtii hore (ee ku saabsanaa imaanshaha Nabiga).

135. Dheh: Mid walba oo naga mid ah wax buu sugayaaye, ee suga27. Waadna ogaan doontaan waa kuwama kuwa ku taagan Jidka Toosan iyo kuwa hanuunsan.