عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Prophets [Al-Anbiya] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The Prophets [Al-Anbiya] Ayah 112 Location Maccah Number 21

(Waqtiga) xisaabintooda (Qiyaamo) baa ku soo dhow dadka halka ay dhoohnaan la sii jeedaan.

Qalbiyadoodu shuqloon tahay. Kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) waxay qariyaan faqooda (iyagoo leh): Kani (Muxammad) ma wax aan ahayn baa qof idinkoo kale ah? Ma waxaad aqabaleysaan sixir [1] idinkoo arka?

Wuxuu (Nabigu s.c.w) yidhi: “Rabbigay baa ogsoon qowl (kasta oo lagaga hadlo) samooyinka dhexdooda iyo arlada. Waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.”

Waxayse yidhaahdeen: “(Waxyigu wax kale maahee) waa hawaawi hadal hurdo! mayee isagaa hal abuuray - mayee waa gabyaa! Ee ha noo keeno mucjiso la mid ah (mucjisidihii) lala soo diray (anbiyadii) hore.

Ma ayna rumeynin hortaa magaalo aan halaag la doonnay (inkastoy arkeen calaamooyin iyo mucjisooyin) ee ma iyagaa rumeyn?.

Uma aan yeelin (anbiyada) jirar aan cunin cunto [1] 'sida malaa’igta', mana aheyn kuwo aan dhiman oo ku waadha (arlada).

Markaas, Waanu u rumaynay ballankaan u qaadnay waana badbaadinnay iyagii iyo ciddaan doonno, waxaana hallignay xad gudbayaashii.

Waxaan idiin soo dejinnay (dadow) Kitaab (Qur’aan) idiinku sugan [1] xuskiinna (iyo sharaftiinna) ee miyeydaan garasho lahayn?.

Badanaa intaan halaagnay magaalo [1] ay dadkeedu faleen dulmi (shirki iyo macaasi) oo aan soo saarnay iyaga kaddib qolo kale.

Haddaan rabno inaan yeelanno wax aan isku maaweelinno [1], waxaan ka yeelan lahayn waxa Agtannada ah, haddaan sidaas falayno.

Waxaanse Xaqa ku gannaa baadilka, markaas buu madaxa kala jabiyaa, mise durba wuu baabba’aa. Hoog baadna leedihiin beentaasi aad naga sheegtaan darteed [1].

Alle baa leh wax kasta oo ku sugan samooyinka iyo arlada; kuwa (Alle) agtiisa ahna ee u dhow (malaa’igta) iskama wey- neeyaan cibaadadiisa, kamana daalaan.

Waxay xurmo weyneeyaan oo hufaan habeen iyo maalinba, kamana noogaan.

Hadday jiri lahaayeen dhexdooda (cirarka iyo dhulka) ilaahyo aan ahayn Alle, way fasaadi lahaayeen. Wuu ka hufan yahay Alle Rabbiga Carshiga Weyn leh oo ka Sarreeyaa waxay ku tilmaami.

Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka hufan yahay, waase addoomo (malaa’igta) la sharfay [1].

Mid kastoo ka mid ah (uunka Alle sida Ibliis ama qeyrki) ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Jahannama. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa daalimiinta.

(Alle) waa Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda.

Aadmigu waxaa 'ku jira' uu ka abuuran yahay degdegsanaan, waxaan idin tusi calaamooyinkayga ee ha iga dalbina inaan idiin soo dedejiyo.

Waxayse ugu iman Saacadda Qiyaame kedis, way jahawareerin, ma karayaan celinteeda, lamana siiyo fursad (tawbad keen ama cudur daarasho).

Waxaa lagu digtay Rusul (badan) oo kaa horreeyey, markaasaa waxaa ku dhacay kuwii ku jeesjeesay (oo gaalada ahaa) wixii (cadaabka) ay dheel dheesha u heysteen.

Hadduu taabto (kuwa xaqa beeniya) wax yar oo ka mid ah cadaabka Rabbigaa, waxay odhan: Hooggeennee! Waxaanu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal).

Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse iyo Haaruun Furqaanka [1], iyo iftiin iyo waano [2] ay leeyihiin kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarrada Alle).

Kanina (Qur'aanku) waa waano barakaysan aanu soo dejinnay, ee miyaad diideysaan oo ka jeesinaysaan [1]?

(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “ Waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow cad?.”

(Ibraahiim) wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan abuuray, aniguna waxaan ka mid ahay kuwa arrinkani ka marag kaci.

Tallaahi, Waxaan u degi qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) asnaamtiinna markaad jeedsataan idinkoo tegi [1].

Markaasuu wuxuu ka dhigay digada (dhammaan) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u noqdaan (oo ay weydiiyaan).

Waxay yidhaahdeen: “Keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan [1]?.”

(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Mayee waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee weydiiya hadday hadli karaan!

Markaasaa laga yeelay inay madaxa hoos u rogtaan [1] 'oo yidhaahdeen': Waad og tahay inayan kuwakani hadlin"!

(Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad caabudeysaan Alle sokadi waxaan waxba idin tari karin waxbana idin yeeli karin?

Waxaanu badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii [1] aan u barakaynay dadka oo dhan.

Oo Nuux waa badbaadinnay, markuu noo dhawaaqday kol hore [1]. Waana ka ajiibnay baryadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (harqintii qoonkiisii).

(Xus) Daawuud iyo Sulaymaan, markay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay (beerta) adhi dad leeyihiin (goor habeen ah), Waxaanu aheyn Kuwo garsoorkoodii u marag ah 'arka' [1].

Waxaanse fahansiinnay Sulaymaan, mid walbaana waxaan siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana u sakhirnay Daawuud buuraha iyo shimbiraha inay la tasbiixsadaan oo Alle amaanaan. Waana Annaga kuwa falay 'waxaasi oo idil' [1].

Waxaana barnay Daawuud sameynta jaakado bir ah aad labbisataan si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin kuwo (Alle u) mahad naqaya?

(Waxaan u sakhirnay) Sulaymaan dabeysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay (ee Falastiin iyo Suuriya). Waxaana nahay kuwo wax walba Ogsoon.

Shaydaammada (dadka iyo jinkaba leh waan u sakhirnay) waxaana ka mid ahaa kuwo u quusa (badda) una fala camallo kale oo taa barbarkeed ah: Waana Annaga kuwa dhowrayey [1].

(Xus) Ayyuub markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh): "Waxaa I taabtay dhib, Adiguna waxaad tahay (Allow) Kan ugu Naxariista Badan inta naxariista.”

(Xus) sidoo kale Ismaaciil, iyo Idriis, iyo Dul- Kifil, kulli waxay ka mid ahaayeen kuwa samra.

(Xus qisada) rafiiqii nibriga (Yuunus) markuu isaga tegay [dadkiisii] isagoo cadheysan [1], wuxuuna mooday inaanu qabanayn [2]! Markaasuu ka dhawaaqay mugdiyo dhexdooda [3] 'isagoo leh': Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Adiga aheyn (Allow). Adigaa hufan, anigu xaqiiq waan gefay.

(Xus) Zakariya, markuu u dhawaaqay Rabbigi (isagoo leh):” Rabbiyow! Ha igu dhaafin keli ahaan, Adigaana u Kheyr roon cid wax dhaxasha (u hadha)”.

(Xusna) tii xafidday farjigeeda (Maryam), uu ka afuufay (jeebka canbuurkeeda) malaggayaga (Jabriil, markaasay uur qaadday), Waxaana uga yeelnay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka.

Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah [1], Oo Anigu (Alle ah) waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda Anigoo keliya.

Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (dariiqooyin iyo looxo) dhexdooda [1]. Xaggayagay dhammaan u soo wada noqon.

Markuu soo dhowaado Yabooha Xaqa ah (ee Qiyaamada la gaadho) mise indhaha kuwii gaaloobay way dhaygagi (iyagoo leh): Hoogeennee! Waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani; waxaanuna aheyn daalimiin (gar ma qaatayaal).

Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan.

Hubaal, kuwa (Nabi Ciise, hooyadi Maryam, iyo addoomaha Alle ee kale ee wanaagsan) ay u hor martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda (Naarta) waa laga fogeyn.

Argagaxa weyn (ee Maalinta Qiyaamada) ma murugo geliyo, malaa’igtuna waxay ku soo dhoweyn (salaan diirran iyagoo ku leh): Kani waa Maalinkiinnii la idin yaboohay.

Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato uumanka oo idil.

Haddiise ay (ka) jeesadaan (Iimaanka), ku dheh waxaan idin siiyey digniin cad ee xaq ah. Mana ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay ama fog yahay.”

Aniguse ma ogi, waa intaasoo ay idiin tahay fidmo (imtixaan dib u dhigidda cadaabka) iyo raaxo ku eg ilaa muddo.

(Nabigu isagoo baryaya Rabbigi) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Noogu kala garsoor xaq. Rabbigayona waa (Allaah) Raxmaanka ah ee laga kaalmaysto waxaad sheegeysaan [1].